“Kadib casharada jamacadayda, waxaan wakhtigayga ku qorsheeyey in aan bugaag kala duwan soo helo hadana aan baaro buugag cusub. Waxaan ku tiirsana bugaagta, buugagtaydu waxay ahayeen isha ugu wayn aan ka heli jiray xaqiijinta riyooyinkayga. Anigoo ka faa’iidaysanaya buugaagta, waxaan u sameeya naftayda qorshe iyo hadaf, waxaan jecelahay bugaagta ka hadlaya hor’umarinta nolosha qofka iyo kuwa laga qoray dhacdooyin taariikhi ah. Xaqiiqadu waa in buugtan ku siinayaan fursad ah in aad ku socoto jidkii saxda ahaa, dhanka kale waa fursad ku khasbaysa dadku in ay akhristaan kadibna iibsadaan, fursadahan maynu haysan sanado ka hor. Laakiin hada waxaa jira isbedel ah in dhanka wacan wax u socdaan.”
(Muqdisho)