I was born in Germany and went back to Hargeisa recently for the first time with my family to explore our culture and the people

“I was born in Germany and went back to Hargeisa recently for the first time with my family to explore our culture and the people. A few days after touching down at Berbera airport. On our way to Hargeisa, we got into a nasty car accident. It happened at an area known for most fatal car accidents and is in the middle of nowhere. Heavily wounded, I was quickly brought to this village nearby, however, they didn’t have any medical facilities but they tried their best to clean me up. My father arrived shortly with help and I was then rushed to Edna hospital in Hargeisa and was hospitalised for 2 full weeks. You know that feeling when nothing else matters and you are grateful just to be alive and be surrounded by your loved ones. I was encouraged to go back to Germany for better medical treatment but I refused, for I haven’t seen my homeland properly and I had faith in their medical abilities. After they fixed me, it proved to be one of my best holidays. Three years later, I went back with my twin sister.”
“So what was your weirdest encounter after you recovered?”
“Convincing the youth back home that it’s perfectly okay and an acceptable norm in Europe for both married couples to work to contribute to the household.”

(Cologne, Germany)

“Anigu waxaan ku dhashay waddanka Jarmalka, dhulkii hooyo waxaa igu horeysay dhawaan markii aan Hargeysa tagay si aan u barto dhaqankeena suuban iyo dadkayga. Kadib markaan ka so dagney garoonka diyaardaha ee Berbera waxaan bilownay safar dhulka ah anagoo u safarnay magaaladda Hargeysa, intii aanan gaarin Hargeysa waxaanu galnay shil gaari oo halis ah. Shilku wuxuu ka dhacay meel caan ku ah shilalka gaadiidka ka dhaca. Waanna meel dhexe oo ka baxsan magaalooyinka waaweyn. Anigoo dhaawac xun qaba si degdeg ah la igu qaaday tuulo u dhow goobta shilku ka dhacay. Nasiib-daro, maysan haysan qalab caafimaad laakin isku day bey sameeyeen in ay ii nadiifiyaan dhiig qariyey wajigayga, illaahay Khayr ha ka siiyo. Wakhti yar kadib waxaa yimid aabbahay oo ii geeyey Isbitaalka Edna ee ku yaala Hargeysa. Mudo 2 toddobaad ah baan jiifay. Waxaa igu so booday dareen ah in nolosha iyo caafimaadkuba yihiin hibo Eebbe ku siiyey, Wax kastoo kale yihiin mala yacni. Waxaa la igula taliyey oo la iga baryey inaan ku noqdo Jarmalka si aan u helo daaweyn wanaagsan. Laakin waan diiday, waxaan is iri, dhulkaagi maad arkin, Ilaahay ba og inaad mar kale arkeysid marka ka faaideyso oo ku dalxiis. Teeda kale, kalsooni buuxda waan ku qabay in daaweyn wacan ka heli karo dhulkayga hooyo. Markii la ii daaweyey, waxay ii noqotay fasaxyadayda ka ugu wanaagsan. Saddex sano ka dib, waan ku noqdo, aniga iyo walaashay.
“Maxaad la kulantay markii lagu daaweyey?”
“Inaan ka dhaadhiciyo dhalinyaradu ku nool dhulka hooyo in ay caado ka tahay qaaradda Yurub in labadaba ninka iyo xaaskisuba shaqeeyaan si ay u daboolaan baahida gurigooda.”

(Kologne, Jarmal)

Show Buttons
Hide Buttons