“I’m unable to conceive, and I’ve accepted that. My husband and I’ve been trying to get pregnant for six years. We’ve been patient for quite some time. We decided to visit a medical doctor in Addis Ababa to find out the reason. The physician ultimately told us that I can’t get pregnant. I love children and always wanted to have children with him. We were both heartbroken, so I tried persuading my husband to take another wife. He refused, and for a long time, I kept convincing him to marry again. As a last resort, I teamed up with my mother-in-law to persuade him; he finally accepted what I wanted for him. I arranged the wedding myself and I received a lot of heat from others saying that I crazy for going through with this but I love him and I know he loves me. And because of his love for me, I’ve to be selfless sometimes and not get in the way for him to have children. And no matter what anyone says, we are all happy and I’m still happy to be his wife.”
(Galkacyo)
“Muddo lix sanno ku dhow ayaan ku dedaalayey aniga iyo odaygyagu in aanu awlaad ama helno, laakiin nooma suurta gelin taasi aniguna waan ku qancay. Muddo dheer ayaanu sidaas ku samranay wakhti kadib waxaanu go’aan ku gaarnay in aanu boqono shaqtar degan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waan jecelahay caruurta, muddo dheerna waan doonayey in aan caruur dhalo ugu danbayntii dhaqtarkii aan u tagay wuuxu ii sheegay in aanan anigu uur qaadi karin. Qalbi jab wayn baa nagu dhacay labadayadiiba, sidaas awgeed waxaan isku dayey in aan ku qanciyo ninkayga inuu guursado gabar kale, wuu iga diiday. Wakhti dheer kadib waxaan ku qanciyey anigoo kaashanaya sodohday in uu guursado. Ugu danbayntii wuu iga aqbalay sidii aan la jeclaa in uu yeelo, markaas kadib arooskiisi aniga soo qaban qaabiyey si wacana waa ugu dhacay. Dad badan baa igu yiri waxaan aad samanaysa ma wacna, laakiin jacayl aan u hayo igu kaliftay isagana inu i jecelyahayna waan ogahay, sidaas darteed jacaylka uu ii hayo dartii waa in aan yeesho dulqaad. Waxba igama gelin hadalka dadka kale oranayaan, hadda waxaanu nahay qoys ku faraxsan noloshooda aniguna waan ku faraxsanahay in aan ahay xaaskiisi.”
(Gaalkacyo)