When I went back to Hargeisa with my twin sister, you could see the aftermath of the war

“When I went back to Hargeisa with my twin sister, you could see the aftermath of the war but we still managed to get quickly accustomed to it because in a way, it was nice to see a country full of your people and where Somali is spoken all the time. When we went back to Germany, we asked ourselves what we can do for our people in Germany. We started an organisation for the youth. We were tired of seeing organisations made by our elders but are divided along clan-lines. So we took matters in our own hands and created an organisation trying to bridge the gap between the young Somali migrants that came to Germany decades ago or born here and those that recently arrived. Around 4 years ago, there were 8,000 Somalis in Germany, now they are close to 30,000 Somalis and still rapidly growing. And in reality, they don’t mix and we are trying to break that wall and help our people.”

(Cologne, Germany)

“Markaan ku noqonay Hargeysa, aniga iyo walaashay, sida qofkastaaba arki karo waad dareemaysa in ay tahay meel ka so kabanaysa dagaaladii sokeeye laakin si degdeg ah baan ula qabsanay. Waayo, runti qalbiga noo degay madaama aanu joognay wadan ay ka buuxaan dadkaagi oo ku hadlaya af-Soomaali si joogta ah. Markaan Jarmalka ku noqonay, waxaanu is waydiinay inagu maxaynu u qaban karnaa dadka jooga Jarmalka? Waxaan go’aansanay ina aanu samayno urur u taagan caawinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Jarmalka, gaar ahaan kuwa dhawaan soo galay wadanka. Waan ka daalnay ururada badan ee ay sameeyeen dadka waaweyn oo runti u kala qeybsan qabiilo. Marka ururka aanu samaynay ujeedadiisu waxa weeye inuu xiriiriyo meeshana ka saaro farqiga u dhaxeeya dhalinyarada Soomaaliyeed ee so galay waddanka iyo kuwii hore u joogay ama ku dhashay halkan. Afar sano ka hor, waxaa Jarmalka degenaa ku dhawaad 8,000 Soomaali ah. Iminka tiradoodu waa ku dhawaad 30,000. Runtiina, kuwa hore iyo kuwa maanta yimid ma is dhexgalaan inta badan. Anaga hadafkayagu waa in aan lakala saarin dadkeena, tageero kasta u baahanyihiina ka caawino.”

(Kologne, Jarmal)

Show Buttons
Hide Buttons