“When you are afflicted with a difficult event, you can reasonably cope with it, but if you are afflicted with multiple difficulties, you feel like giving up. The woman that I loved suddenly broke off our engagement after I was faced with a difficulty, and my father prevented me from visiting my ailing mother who passed away without me being by her side. Let me tell you how it all started. I’m an only child and grew up in poverty. My mother was afflicted with an illness, and as her only child, I was the only one who took care of her. From the moment she woke up to the moment she went to sleep, I was there for her. I clothed her, bathed her, fed her. During this difficult period, I fell in love with a girl. I told her straight up about my situation and that I didn’t come from a wealthy family. She still accepted me. I lived in Las-Anod at the time, and she was based in Bosaso. I was extremely obsessed and passionately in love with her that I carved her name with a knife on my left arm and my left leg. On account of this, my friends started nick-naming me her name. I didn’t care for it because I knew my love was true. My love for her induced me with insomnia and loss of appetite. Everything that she asked me to do, I would try to fulfil it to the point that I felt like I was her slave. I couldn’t say no to her, and she knew that. Can you imagine someone loves you like that and you try to exploit their love for selfish reasons? The love I had for her blinded me and I couldn’t leave her. Either I do everything she says, or she will leave me. The moment I was imprisoned by my father…” (1/2)
“Marka ay kugu timaado dhibaato waxaad si macquul ah u raadinaysa xalkeeda waanad ka gudbi karta, laakiin marka ay kugu kulmaan dhawr dhibaato isku mar waxaad dareemaysa in xalkeedu adagyahay ilay ay gaarto meel aad waxba ka qaban kari waydo. Gabar aan jeclaa ayaa si lama filaan ah u jebisay wacadkii aanu wada galnay. Kadib markii dhibaato qoys isoo wajahday aabbahay wuxuu iga diiday in aan booqdo hooyaday oo xanuun u dhimatay aniga aan la joogin. Aan ku sheego sifaha dhibaatooyinka igu yimid ku bilowdeen, waxaan ahay lamaha keli ah hooyaday dhashay. Qoyska aan ka dhashay waa qoys danyar ah, sidaas oo xaaladu tahay hadana hooyaday waxaa haleelay xanuun aniguna waxaan ahay ilmaheeda qura ee ay dhashay, waxaan noqday qofka qura ah ee u fidinaya daryeel, in aan cunto siiyo, in aan dharka ka bedelo waa in aan anigu intaas oo dhan u qabto wakhti kasta ilaa marka ay seexato inta ay ka toosayso iyo wakhtiga u dhaxeeyaba. Anigoo xaladaas adag ku jira waxaa dhacday in aan gabar jeclaaday, waan u sheegay xaaladayda, anigu kama dhalan qoys hanti badan leh, sidaas ay tahay hadana way iga aqbashay. Wakhtigaas waxaan degenaa magalaada Laascaanood, gabadhuna waxay ku noolayd Bosaso. Anigu markasta iyada ka fakari jiray aadna waan u jeclaa, waxaan gaaray heer aan ku qoro magaceeda gacantayga bidix iyo lugtayda bidix, ilaa aan gaaray in saaxiibaday igu dacaayadeeyaan magaceeda. Hadana anigu waxaas oo dhan dan kama geli jirin maadama jacaylka aan u hayo ahaa mid run ah. Jacaylka aan u hayey wuxuu igu riday hurdo la’aan iyo cunto xumo, waxkasta ay iga codsato waxaan isku dayi jiray in aan u fuliyo sida ay iga codsatay. Waxaan gaaray heer aanan marna oran karin maya waxkasta ay iga dalbato iyana midaas waa ogayd. Waxaan noqday adoonkeedi oo kale. Ma qiyaasi karta qof sidaas ku jecel kadibna aad isku daydo in aad jacaylkooda sidaad doonto u isticmaasho? Jacaylka aan u hayay wuxuu iga dhigay mid indho la’a mana awoodi karayn in aan ka tago, sidaas darteed waxkasta iga codsato waa in aan sameeyo hadii kale way iga tagaysa. Markii aabbahay ii tixaabay xabsiga…” (1/2)